Los costos de envío se calcularán en base a esta dirección en todo el sitio.
Selecciona tu país
América
Argentina
Brasil
Canadá
Chile
Colombia
Costa Rica
Ecuador
El Salvador
Estados Unidos
México
Perú
República Dominicana
Uruguay
Europa
Alemania
Austria
Bélgica
Croacia
Dinamarca
Eslovaquia
Eslovenia
España
Finlandia
Francia
Grecia
Hungría
Irlanda
Italia
Letonia
Malta
Noruega
Países Bajos
Polonia
Portugal
Reino Unido
República Checa
Serbia
Suecia
Suiza
Resto del mundo


BOGSIIN. Sidee Looga Hortagaa Ka Shakinta Diinta
Dr Ali Mohamed Salah (Autor) · Yaqeen Press · Tapa Blanda
Quedan más de 100 unidades
₡ 12.097Kitaabkan hortaada yaallaa waa miiddii laga tuujiyey siddeed sanno oo *baaris*, akhris, wadasheekaysiyo iyo doodo ahaa, aniga oo isku taxallujiyey in aan wixii is lehba dhinac isku mariyo, waxana aan ku dedaalay in aan habeeyo oo quraaro. Waxana aan markaas ka bilaabay meesha ay tahay in laga duulo, taas oo ah in aan saxo ilaha aqoonta laga qaato, taas oo ahayd ka dib markii aan salka u dhigay qaybo ka mid ah hordhacyada muhiimka ah ee shubuhaatka ku sabsan. Intaas ka dib waxa aan tooshka ku ifiyey manaahijta seeska u ah shubuhaatka, waxana aan xusay kuwayawga ugu muhiimsan waanan naqdiyey, intaas dabadeed waxa aan soo qaatay seesaska lagu dul dhisay shubuhaatka oo waxa aan ka tagay dhif iyo naadir noqonayo. Intaas ka dib waxa aan jeexay khariidad-hawleeddii aan ku burin lahaa shubuhaatka, taas oo koobsanaysa tallaabooyin dhayda ka cad, waxana aan buugga ku soo afmeeray tusaaleyaal xul ah oo shubuhaatka ku saabsan, aniga oo isku dayaya in aan si hawlqabad ah u dabbaqo tallaabooyinkaas aan ku burinayo.
Shubuhaatkuna waa ciiddaas iyo camaarkaas oo kolba waa soo xuubdhacsadaan, in la koobaana waa adag tahay, waxa aan markaas rajeynayaa in buuggani noqdo mid si mugweyn u qaadaadhigaya shubuhaatkii, kaas oo xoogga saaraya in la daweeyo jirridda shubuhaatka, in ka badan inta uu daweynayo kaamaheeda. Waxana xikmadda ka mid ah in xididdada loo siibo geedka xun, halkii la isku hawli lahaa in la gaagaabiyo laamaha qaayisay; maxaa yeelay haddii aad laamaha gaagaabiso waxa soo biqlaysa uun laan kale, haddii se aad geedka gabigiisaba xididdada u siibto dhammaan laamihii oo dhan ayaa wada dhacaya, xitaa haddii uu geedkaasi lahaa kun laamood!
¿Tienes una pregunta sobre el libro? Inicia sesión para poder agregar tu propia pregunta.
